Ministry of education somaliland
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL, Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi, ayaa guddoomiyay shirkii billaha ahaa ee mashruuca Climate Smart Education Systems Initiative (CSESI), kaas oo diiradda saaraya dhismaha nidaam waxbarasho oo u adkaysan kara saamaynta isbeddelka cimilada.
Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay guddida hoggaaminta mashruuca oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Agaasimayaasha Hay’adda NADFOR iyo xubno ka socday hay’adaha hormuudka ka ah hirgelinta mashruuca oo ay fulinayso Hay’adda Save the Children, iyadoo laga maalgelinayo sanduuqa (GPE).
Intii uu shirku socday, waxa lagu falanqeeyey diyaarinta shirka lagu ansixinayo iswaafajinta siyaasadaha iyo hagayaasha waxbarashada iyo isbeddelka cimilada, dhammaystirka weel-xogeedka saamaynta isbeddelka cimiladu ku leedahay waxbarashada oo lagu wareejinayo Wasaaradda Waxbarashada, iyo qabanqaabada shirka lagu soo bandhigayo waxqabadka mashruuca CSESI ee bisha July 2026.
Mashruuca CSESI ayaa door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta nidaamka waxbarashada Somaliland si uu uga jawaabo caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, iyadoo la xoojinayo isku xidhka siyaasadaha, qorshayaasha iyo helitaanka xog sugan xilliyada xaaladaha degdegga ah.



